Qofkii doonaaya in uu hadafkiisa/riyadiisa ka dhabeeyo, maxaa looga baahanyahay?

Qaybtan waxaa marti noogu ah Mushtaaq. Musthaaq waxay jeceshahay in ay dadka dhiiri galiso, si ay riyadooda ama hadafkooda nolosha ugu midho dhalinyaan. Waxay qaybtan inala wadaagi doontaa, waxyaalaha looga baahanyahay qofka doonaayaa in uu ka gun gaadho hadafkiisa. 

Om Podcasten

Hadafka aanu ka leenahay Podcast-kan Reer Guura , waxaa weeye in aanu dhisno oo xoojino shaqsiyada qofka muslimka ah ee soomaaliga ah. Waxaanu ku soo qaadan doona mawduucyo kala duwan oo khuseeya bulshada soomaaliyeed. Mawduucyadaaas oo aanu rajaynayno in ay ku raad reebaan dhagaystayaasha ku taxan Podcast-kan. Hadii ay jiraan wax talo iyo tusaale ah oo aad nagu soo kordhin karto, aad ayaanu usoo dhawaynaynaa, ee fadlan, nagala soo xidhiidh ciwaanada aanu ku leenahay baraha bulshada.