Waa Sidee Adeegga Caafimaadka Hooyada & Dhallaanka ee Isbitaalka Benaadir?

Adeeg Wanaag - A podcast by Somali Public Agenda

Categories:

Adeegga caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan midka hooyada iyo dhallaanka waxa uu ka mid yahay adeegyada loogu baahida badan yahay dalka. Waxaa la sheegaa Soomaaliya in ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya oo ay hooyada iyo dhallaanku u geeriyoodaan daryeel la’aan. Qeybtan 30-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Axmed iyo Fartuun Shariif Maxamed oo ah Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benaadir, waxa ay ku falanqeynayaan adeegga caafimaadka hooyada iyo dhallaanka...